Waxay sharciga Norwejiyaanka
Waxay sharciga Norwejiyaanka iyo heshiisyada caalamiga fasirayaan in laguu oggolaan doono inaad joogto Norway iyo inkale. Waxuu Cutubkaan kuu micnaynayaa waxa dhacaya marka aad soo coodsanaysid magangalyada.
Dhammaan kuwa u baahan in lagu badbaadiyo Norway waa la siinayaa. Wana sidaa waxa ay UDI ugu fiirinayso si taxadir leh coodsi kasto ee Magangalyo. Waxaa sidaan lagu magacaabaa habsocodsiinta magangalyada. Waxaa looga dan lee-yahay in loo sugo dhammaan kuwa si dhab ah ugu baahan badbaado in loo oggolaado inay joogaan, isla markaa kuwa aan u baahnayn waa inay ka baxaan Norway.
Habsocodsiinta magangalyada
Waxay UDI u fiirinaysaa coodsi kasto si gooni-gooni ah si loo hubiyo in qof kasto loo la dhaqmo si caddaalad leh. Waxaa coodsigaada loo la dhaqmayaa isla sidaas iyo sida ay qabaan isla shuruucda iyada oo loo fiirin qofka aad tahay.
Markii aad ka soo coodsanaysid Magangalyo Norway, waxaad ka soo codsanaysaa dowladda Norwejiyaanka inay ku badbaadiso. Waxay dowladda Norwejiyaanka dhihi kartaa haa ama maya coodsigaada. Waxaa la diiday coodsiyo badan ee soo samaysteen dad magangelyo-doon ah waana inay dib ugu noqdaan dalkooda.
Waxay UDI la yeelanaysaa waraysi soo-coodsade kasto waxayna u istimaalaysaa natiijooyinka ka soo baxo warar kale si loo go’aamiyo inaad u qalantid magangalyada iyo inkale. Waxay kale ay UDI u lee-dahay aqoon waxqabad wayn ee ku saabsan dalkaaga.
Waxaad xaq ugu lee-dahay magangalyo ee Norway haddii naftaada ama xuriyaddaada ay ku jiraan halis, ama haddii aad halis ugu jirtid jir-dil ama xumaan kale oo loo gaysto bani’aadamka sababta oo ah aaminaantaada siyaasadeed. Waxaa isla nidaamka lagu dhaqayaa haddii laguu cadaadinaayo caqiiddada diintaada ama aad ka tirsan tahay jinsiyad gaar ah, ama xoog bulshadeed ama jisiyeed.
Waxaa dumarka la siin karaa magangalyo haddii ay cadaadis ugu jiraan ujeeddada ah inay yahiin gaar ahaan dumar. Sababta oo ah cadaadiska galmada- ahaanshaha qaniisnimada, tusaale ahaan- waxuu u noqon karaa sabab magangalyada. Waxuu qorayaa heshiiska Qaramada Midoobay faahfaahino dheeri ah ee ku saabsan Xaaladda Qaxootida.
Haddii maamulayaasha ka jiro dalkaaga ay kaa badbaadin karaan kuwa ku cadaadinaayo, sida caadiga ah uma qalantid in lagaa siiyo magangalyo Norway. Caadi ma aha in la siiyo magangalyo dadka ku nabad-gelaayo meelo kale oo ah dhulkooda hooyo.
Badbaadada
Waxaad weli lagaa siin karaa Norway fasaxa degganaanshaha xitaa haddii heerka cadaadiska oo aad la kulantay uusan ku filnayn in lagu siiyo magangalyo siyaasadeed. Waxay sidaan ku noqon kartaa sababta ah inuu ka socdo dagaal dhulkaaga hooyo ama aad halis ugu jirto in laguu la dhaqmo xumaanta loo gaysto bani’aadamka.
Sababaha bani’aadanimo Markii, ay jiraan arrimo gaar ah waxaa laguu oggolaan karaa inaad joogtid Norway haddii adiga ama caruurtaada ay qabtaan cudur aad u xun oo an lagu daawayn karin dalkaaga.
Degganaanta Waxaa ku la soo socodsiinaayo booliska haddii lagu siiyay fasaxa degganaanshaha ee Norway. Waxaa markaa ka dib kuu bilaabanayso u diyaar garoowga noloshaada gudaha Norway.
Waqtiga sidee ay qaadan kartaa?
Dherirka waqtiga uu qaadanaayo go’aaminta coodsiga magangalyada waxay uga kala duwan yihiin arrinba arrin. Haddii ay qaadanayso waqti dheer, waxay sababta noqon kartaa inay UDI baarayso in wararka aad siiday ay sax yahiin iyo inkale. Waxay noqon kartaa inay UDI fiirinayso xaaladda haatan ka jirto dhulkaaga hooyo.
Haddii la soo diido coodsigaada, waxaad ka soo qaadan kartaa racfaan. Waxaa racfaankaaga eegaayo Guddiga Racfaanada Soo-gelootiga (UNE). Waxay sida caadiga ah ku qaadanaysa UNE ugu yaraan 10 bilood inay go’aan looga soo gaaro.
Soo diidmada UDI
Haddii uu UDI diido coodsigaada magangalyada, waxaa laguu qabanayaa qareen kaa caawiyo. Waxuu UDI u diraaya la socodsiinta diidmada qareenkaaga. Waxuu qareenkaaga kuu soo sheegayaa in la soo diiday coodsigaada waxuuna kuu sheegayaa sababta. Waxuu qareenka ku qabanqaabinayaa tarjubaan haddii aadan ku hadlin luqaddiisa.
Waxaad xaq u lee-dahay inaad ka qaadatid racfaan lid ku ah diidmada UDI. Waa inuu qareenkaaga ku soo hor dhigaa racfaankaaga UDI wax aan ka yareen seddax toddobaad ka dib markii lagu soo gaarsiiyay la socodsiinta diidmada.
Waxuu qareenkaaga kaa caawinayaa sida loo qaabayn lahaa racfaankaaga. Haddii uu UDI sii wado diidmadiisa in kasto oo loo keenay racfaanka, waxaa arrintaada loo dirayaa Guddiga Racfaanka Soo-gelootiga (UNE) si ay uga gaaraan go’aanka kama danbaysta ah. UNE waa hay’ad gooni ah oo wax ka qabato racfaanada soo-gelootiga.
Inta uu qareenkaaga diyaarinaayo racfaankaaga, asaga/ayada waxay waydiisanayaan in laguu oggolaado inaad sii joogtid Norway ilaa inta laga eegaayo racfaankaaga. Waxuu UDI ka gaarayaa go’aan haddii laguu oggol yahay inaad sii joogto Norway inta la eegaayo racfaankaaga. Waxaa sidaas darteed lagu waydiin karaa inaad ka baxdid Norway ka hor inta laga gaaraayo go’aanka ugu danbeeyo.
Diidmada UNE
Haddii UNE xitaa ay soo diido coodsigaada, waxay sida caadiga ah tahay inaad uga baxdid dalka waqti ah labo toddobaad gudeheeda.
Waxaa looga qaadan karaa racfaan maxkamadaha diidmada ugu damabyso ee UNE. Haddii aad samayso sidaas, si kastaba ha noqotee, waxaa iska bixinaysaa kharasyadaada ku baxaayo sharciga. Waxaad waydiisan kartaa maxkamadda inay amarto in UNE uu dib u eego arrintaada (Coodsiga dib u Eegidda). Caadi ahaan ma laguu oggolaanaayo inaad sii joogto Norway inta UNE uu sii eegaayo coodsigaada dib u eegidda.
Dib ugu noqoshada dalka
Haddii la soo diido coodsigaada Magangalyo, waa inaad ka baxdaa dalka. Waxaa ka coodsan kartaa Ururka Caalamiga ee Socdaalka (IOM) caawinaadda socdaalka dib u noqoshada. Waxuu IOM kaa bixinayaa kharashyada socdaalkaaga waxuuna ku siinayaa waxyaabo kale oo waxqabad ah haddii aad la socdaalaysid iyaga. Waxaad wax intaa ka sii badan ka akhrisan kartaa Cutubka 6aad: Dib ugu laabashada dalka (guriga).
Caruurta ka yar 18 jir ee la soo coodsanaayo magangalyada waaliddiintooda waxay ku jiraan coodsiyada waaliddiintooda. Waxay waaliddiinta sheegi karaan haddii aysan doonayn in UDI uu la yeesho waraysi caruurtooda. Waxay xaaladda caruurta samayn muhiim ah u lee-dahay tixgelinta UDI ee coodsiga magangalyada qooyska.
Haddii waalidiinta la siiyo fasaxa ay ku degaayaan Norway, waxaa caruurtooda ka yar 18 jir xitaa loo oggolaanayaa inay joogaan. Guud ahaan, waxaa lagu dabaqayaa isla mabda’daas haddii coodsiyada waaliddiinta la soo diido. Si kastaba ha noqotee, waxaa kale oo coodsiga cunug kasto loo eegayaa mudnaanta goonida ah uu lee-yahay.
U celinta dalka oo nabad ah
Haddii aad horay u soo joogtay dal kale oo nabad ah ka hor intaadan imaan Norway, ama aad ka haysato dal ku gal (visa) dal kale oo nabad ah, waxaa coodsigaada magangalyada eegaayo dalkaas.
Waxaa sidaas darteed laguu diri karaa halkaasi. Waxaa sidaan lagu magacaabaa Habsocodka Dublin. Waxay dhammaan dalalka Midowga Yurub (EU) sidaasi oo kale Norway iyo Aysland ka mid yahiin nidaamkaan.
Haddii ay arrin kaa taalo Dublin, waxaa naf-ahaan soo dhammaystiri kartaa foomka waana lagu waraysanayaa, laakin maamulada Norwejiyaanka ma tixgelinayaan coodsigaa magangalyada. Mana lagu siinaayo fasaxa ah inaad ka shaqayso Norway inta laga sugaayo in la gaaro go’aan.
Xaaladaha waxyeelo ku yeelan karaan sida loo qabanaayo coodsigaada magangalyada
1. Dembiga
Haddii aad jebisid sharciga ee Norway inta aad tahay Magangalyo-doon, waxay UDI wax uga qabanaysaa coodsigaada si degdeg ah. Haddii la soo diido coodsigaada, waxaa laguu dhoofinayaa si degdeg ah. Waxaad kala kulmaysaa dhib si aad soo geshid taariikh dambe Norway iyo qaar ka mid ah dalal Yurub.
2. Wararka dheeriga ah ee aan la bixin intii lagu jiray waraysiga
Haddii, ka dib waraysigaaga, aad dareemaysid inaad haysid warar dheeri ah oo u noqon karaan muhiim coodsigaaga magangalyada, waa inaad si degdeg ah ugu soo sheegtaa UDI. Waxaad xaq iyo waajib u lee-dahay inaad u soo sheegtid wararka muhiimka ah si degdeg ah. Kala hadal hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta haddii ay jirto wax shaki ah.
Fasaxyada shaqada ku meelgaarka
Waxay dadka ka soo coodsanaayo magangalyo Norway la siin karaa, markii ay jiraan xaalado qaarkood, fasaxa shaqada oo ku meel gaar ah inta ay sugayaan in laga gaaro go’aan. Waa inay jiraan xaalado ka hor inta lagu siin fasaxa shaqada inta aad ka sugaysid go’aanka. Waydii hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta faahfaahinada dheeriga ah.