Jump to main content Jump to search

Logo

 
  • Send to a friend tips en venn
  • Print skriv ut denne siden

2. Caafimaadka

2. Caafimaadka
 
 


Waxuu caafimaadka fiican

Waxuu caafimaadka fiican muhiim u yahay qof kasto. Waxuu Cutubkaan ku siinayaa wararka ku saabsan nooca caawinaadda caafimaadka oo aad xaqqa u lee-dahay waxuuna kuu sheegayaa sida loo xanaaneynaayo caafimaadkaaga qof ahaaneed.

In la xanuunsan yahay ma ka dhigayso qalmidda magangalyo mid dhib ah. Waa in, sidaas darteed, ka hadashaa haddii aad la il-daran tahay wax xanuun  ama jirro. Waxaad Norway ka heli kartaa daaweyn.  Waxaad xitaa ka heli kartaa caawinaadda horumarinta caafimaadkaaga.

Waxaa dhammaan shaqaalaha xanaanada caafimaadka waajib ku ah inay dhoowraan waxyaabaha gaarka u ah bukaanlayda. Waxay sidaan micnaheedu tahay inaan loo oggolayn inay qof kale u sheegaan  waxa ku saabsan xaaladdaada caafimaad, haddii adiga aad u fasaxdid mooyee. Ma loo oggolo xitaa inay magacaada siiyaan qof kale, ama ay la socodsiiyaan inaad tahay bukaan.

Ma u baahan tahay tarjubaan?

Waxaad xaq u lee-dahay inuu joogo tarjubaan haddii aadan hubin inaad fahmaysid waxa la sheegaayo. Waxay shaqaalaha xanaanada caafimaadka mas’uul ka yahiin inay kuu soo helaan tarjubaan haddii ay filaayaan in laga maarmin. Waxaa marmar lagu tarjumaa telefoonka. Haddii aad u baahan tahay tarjubaan, waa inaad horay u la soo sheegtaa ballankaaga aad u dhiganaysid takhtarka. Waxay qaadan kartaa dhoowr maalimood si loo helo tarjubaan. Waxaa dhammaan tarjubaanada waajib ku ah inay dhoowraan sirta.

Ku imaanshaha waqtiga

Haddii aad ballan u soo dhigatay xirfadlaha xanaanada caafimaadka, waxaa muhiim ah inaad ku timaadid waqtiga. Waa inaad u soo sheegtaa haddii aadan imaan karin, ama haddii aad dib uga soo dhacaysid. Haddii aadan soo ogaysiinin, waxaad dhuminaysaa ballankaaga waxaadna samaysanaysaa ballan kale. Sida nidaamka yahay, waxaad kale oo aad ku bixinaysaa kharsh ballan kasto oo aadan imaan.

Xanuun joogto ah/dhaawac culus

Haddii aad si joogto ah u xanuunsan tahay ama qabtid dhaawac culus, waa inaad la socodsiidaa hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta iyo/ama la soo xiriir isbitaalka deegaankaaga. Haddii aadan awoodin inaa la soo socodsiidid midkoodna, waa inaad waydiisataa qof kale inuu kugu caawiyo si aad u heshid daawayn. Waxaad wacdaa 113 haddii aad u baahan tahay ambulanso.

Arkidda takhtarka

La soo xiriir xirfadlaha xanaanada caafimaadka haddii aad jirran tahay ama aad qabtid dhibaatada caafimaadka. Gudaha Norway, waxuu qof kasto xaq u lee-yahay inuu xusho takhtarka (Takhtarka Guud) oo ay si joogto ah loogu tegi karo. Waxay kale ay dadka magangalyo-doonka ah xaq u lee-yahiin inay lahaadaan Takhtarka Guud. Waa inaad wax ka bixisaa xoogaa kharashka la-tashiga markii aad arkaysid Takhtarkaaga Guud. Waxuu Takhtarkaaga Guud kuu dirayaa takhtar xirfad leh haddii ay noqoto laga maarmaan. Waxaa caruurta la siinayaa xanaanada daawaynta oo bilaash ah ilaa da’.

Daawaynta

Waxuu kiimistaha (farmashiga) Iibiyaa dhammaan noocyada daawada. Waxaa badeecada qaarkood laga gadan karaa maaqalka, laakin intooda badan waxaa soo qoraayo takhtarkaaga. Waxaa xoogaa daawooyin ah laga gadan karaa suuqyada waawayn (super markets) oo caadiga ah. Haddii aad doonaysid daawo u gaar ah cudur waqti dheer, waxay xukuumadda kaa bixinaysaa kharashka intiisa badan. Waxuu takhtarkaaga kuu qorayaa ‘qoraalka buluugga’ ka dibna waxaad bixinaysaa qayb yar oo ah inta ay joogto daawada.

Caafimaadka maskaxda

Ahaanshaha Magangalyo-doon aan mustaqbal sugan lahayn waa dhib.  Waxuu waqtiga sugitaanka noqon karaa mid dheer. Dad badan way ka xumaadaan.
Waxay dadka qaarkii dareemaan cidlo iyo keli ahaan. Waa caadi in laga xumaado, in si xun loo hurdo, iyo in la xanaago, la daalo ama la dareemo sugnaan la’aan. Waxay dadka qaarkii qaadaan madax-xanuun, xanuun ama labbo-labbo.
Waxaa jiraan waxyaabaha qaarkood oo aad naf-ahaantaada samayn karto si aad u sii hagaajisid caafimaadkaaga maskaxda. Waxaa ku caawini karo inaad samaysid jimicsi maalin kasto. Orad, ciyaarta kubadda cagta, culays-qaadista, iyo ciyaarta waxay u fiican yahiin fiicnaanta jireed iyo maskaxeed. Waxaa la mid ah akhriska, waxbarashada iyo ka qaybgelidda waxqabadyada loo dhan yahay. Wax kasto oo kuu keenaayo inaad wax gaartid waa kuu fiican yahay. Inaadan waxba samayn inta aad ku jirtid sugidda ma kuu fiicno.
Kuwo badan ee ku jirro xarumaha soo-dhowaynta ee Magangalyo-doonka waxay la kulmeen noocyo kala duwan oo cadaadis ah, dagaal iyo xumaan. Waxay qaarkood u qaadeen dhibaatooyinka maskaxda oo xun kuwaasi oo ah natiijada ka soo baxday waxa ay la kulmeen. Waxaa dhibaatooyinkaan sii xoojin karaan ku noolaanshaha dal iyo dhaqan aadan aqoon. La soo xiriir xirfadlaha xanaanada caafimaadka haddii aad la il-daran tahay dhibaatooyinka maskaxda aadna u baahan tahay caawinaad.

Caafimaadka maskaxda caruurta

Waxay caruurta u baahan yahiin qof fahamto oona kaalmayso. Caruurta la kulantay dagaal ama xumaan si gaar ah ayay u nugul yahiin. Waxaa la mid ah caruurta waayay kuwii ay jeclaayeen ama ka dhintay qof ay la degganaayeen. Waxay had iyo jeer ka baqaan inay keli ahaadaan, inay ku jiraan meel mugdi ah, ama waxay ka welwelaan inuu wax xun ku dhaco. Haddii ay caruurtaada ay la il-daran yahiin xanuun ay la kulmeen, waxaa aad u muhiim ah inaad u sheegtid hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta ama takhtarka.

Ka hortagga cudurka: Cuntada dheelitiran

Waxaad ku cuni doontaa Norway cunto ka duwan cuntada aad isticmaali jirtay. Xilliga jiilaalka waa inaad qaadataa fitamiinka D si aad u nagto maqnaanshaha Iftiinka qoraxda. Si aad u ceshato caafimaadka waa inaad cuntid cunto caafimaad leh, cunto dheeli tiran oo miisaaban. Waxaa fiican in la cuno miro (fruits), khudaar, kalluun, hilib iyo badeecada ka samaysan caanaha. Haddii aadan hubin cuntada kuu fiican, waxaad talo waydiisataa xarunta soo-dhowaynta.
Waxaa si gaar muhiim u ah inay caruurta cunaan waxyaabo sax ah. Sidaas darteed waa inaad isha ku haysid cuntada dheelitiran ee caruurtaada.

Nadiif ahaansho iyo caafimaad wanaag

Wa muhiim in meesha aad ku nooshahay ay nadiif ahaato. Waxay yaraynaysaa halista bukashada. Waxay bakteeriyada ka dhalan kartaa halka ay wasaqda daadsan tahay, sida jikada ama qolka qubayska. Meelaha lagu dhaqdo, musqulaha, biyo-mareenada iyo aagagga kale ee leh biyo waa in la nadiifiyaa.

Caafimaad wanaagga qof ahaaneed

Caafimaad wanaagga qof ahaaneed ee fiican waxuu yahay oo kale mid lagu baajinaayo cudurka. Waa inaad ku dhaqdid saabuun labadaada gacmood markii aad tagtay suuliga, ka hor iyo ka dambe markaad cunto diyaarisid.

Caafimaadka ilkaha

Waxay haraaga cuntada iyo bakteeriyada isku uruursadaan ilkaha dhexdooda. Si loo baajiyo inay daataan ilkaha, waa in ilkaha maalin kasto lagu nadiifiyaa buraashka ilkaha iyo daawada rumayga. Waa in ilkaha caruurta si taxadir leh loo nadiifiyaa. Bar caruurtaada inay xanaaneeyaan ilkahooda. In lo soo booqdo takhtarka ilkaha aad ayay qaali u tahay.

Caafimaadka galmada: Cudurada galmo ahaan laysku daarto

Waxaa dhammaan cudurada galmo ee laysku daarto lagu qaadaa galmada. Cinjirka iyo cinjirka dumarka (femidoms) waxay yahiin kuwa keliya ee looga hortegi karo faafinta cudurada galmo ahaan laysku daarto. Waxaad ka gadan kartaa cinjirrada suuqyada waawayn iyo farmashiga. Waxaa laga heli karaa cinjirka dumarka farmashiga.
Waxaad xaq u lee-dahay in si bilaash ah lagaaga baaro lagaana daaweeyo cudurada galmo ahaan laysku daarto. Tusaale ahaan, cudurada ku yimaado isu-tegidda galmada oo ah HIV, jabtada, waraabowga, Chlamydia iyo fajada.
Waxaad waydisataa hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta ama takhtarkaaga haddii aad jeceshahay inaad wax intaa ka badan ka sii ogaatid.

HIV/AIDS

Markii aad timid Norway waxaa lagu siiyay fursadda aad iskaga baartid HIV.Waxaa lagu qaadaa HIV isu-tegidda galmada aan layska ilaalin iyo dhiigga oo laysku gudbiyo. Waxaa kale oo lagu qaadi karaa HIV naasnuujinta.
Cinjirrada waa difaaca lidka ku ah HIV. Isticmaal inta lagu jirro dhammaan noocyada isu-tegidda galmada oo ad la yeelanaysid qof  aadan hubin inuu soo qaaday.
 
Ma ku qaadi kartid HIV haddii maalin ka maalin  la xiriirtid dad. Haddii aad qabtid HIV ama AIDS, waxaad xaq u lee-dahay inaad heshid caawinaadda daawaynta. Waxaad waydiisataa hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta ama takhtarkaaga haddii aad jeceshahay inaad ka sii ogaati wax intaa ka badan.

Gudniinka dumarka

Waa ka caadi gudniinka dumarka dhaqamada qaarkood. Gudaha Norway, waxuu mamnuuc uga yahay si xoog leh. Waxuu gudniinka dumarka ku saa’idinayaa naafaynta xubinta dhalmada. Gudaha Norway, qof kasto oo sameeyo ama ka qaybqaato samaynta naafaynta xubinta dhalmada waxaa lagu xukumayaa siddeed sanadood oo xarig ah. Waxaa lagu qaadayaa sharciga qof kasto oo ku nool Norway, xitaa haddii falka uu ka dhacay dibedda. Dumar badan oo yimid Norway waa gudan yahiin. Waxuu gudniinka u keeni karaa dumarka dhibaatoooyin caafimaad oo aad u xun. Waxay xirfadlayaasha caafimaadka siin karaan talo iyo caawinaad kuwa horay loo soo guday.

Ka hortagga dhalmada

Waxay xirfadlayaasha xanaanada caafimaadka ku micnayn karaan hababka kala duwan oo aad u isticmaali kartid inaad iskaga celisid uurka. Waxuu habka caadiga ah ay ragga uga hortagaan uurka waa cinjirka. Waxay dumarka lee-yahiin noocyo kala duwan ay ku kala doortaan, tusaale, kaniiniyada ka hortagga uurka, durid iyo plasters, iyo coil (qalab lagu xiro afka ilmo galeenka). Ka la hadal xirfadlaha xanaanada caafimaadka waxa ku saabsan kan kugu habboon oona aad ugu fiican xaaladdaada.

Ilmo-dhicisinta

Gudaha Norway, waxay ku xiran tahay naagta inay ka gaarto go’aan inay iskaga joojiso uurka ay lee-dahay 12 toddobaad ee ugu horeeyo. Ma loo baahno oggolaanshaha takhtarka, wadaadka, imaamka ama qof kale. Ninka qabo xaaska ma u laha xaq inuu go’aan ka gaaro arrintaan, xitaa haddii u yahay aabbaha dhiciska.
Waa inay naagta kala xiriirtaa takhtar ama umuliso haddii ay jeceshahay inay iska soo tuurto. Haddii ay naagta jeceshahay inay iska soo tuurto ka dib markii uu uurka  jirsaday 12 toddobaad, waa inay ka heshaa fasax guddiga takhaatiirta caafimaadka ee isbitaalka ugu dhow. Waxaa waajib ku ah umulisada ama  takhtarka naagta inay ku caawiyaan coodsigeeda.

Xanaanada dhalmada ka hor

Adiga ayaa iska leh go’aanka ah inaad jeceshahay inaad aragtid umuliso, takhtarka ama inaad u soo dhigatid ballan rugta dhallaanka iyo cunugga. Waxaa umulisada iyo takhtarkaba labadooda loo soo tabobaray inay sameeyaan baaristaan. Haddii aad jeceshahay waxaad u soo wadan kartaa qof ballankaaga. Haddii ay soo baxaan dhibaatooyin inta aad lee-dahay uurka, waxuu takhtarkaaga ama umulisidaada kuu gudbinayaan qof takhasus u leh.

Tegidda joogtada ah ee baarista waxay lee-dahay tiro faa’iidooyin ah. Caafimaadkaaga iyo dhallaankaaga aan weli dhalan labaduba waa lala soconayaa, waxaana lagu siinayaa warar iyo gacansiin. La socodka ka hor dhalmada waa bilaash.


Last updated 03.08.2009
Published 03.08.2009

The Norwegian Directorate of Immigration, PB 8108 Dep, 0032 Oslo. Phone: (+ 47) 23 35 15 00. Contact Information Service. Contact web editor. Editor in chief: Ingeborg Grimsmo

asdasdads