Jump to main content Jump to search

Logo

 
  • Send to a friend tips en venn
  • Print skriv ut denne siden

3. Waxbarashada

3. Waxbarashada 
 
Waxuu cunug kasto xaq u lee-yahay waxbarasho. Waxay waaliddiinta mas’uul ka yahiin inay u diraan caruutooda dugsiga. Waxuu cutubkaan ku siinayaa qaar ka mid ah wararka ku saabsan sida ay waxbarashada Norwejiyaanka ay u shaqaynayso


Dugsiyada ee Norway

Waxaa ka jirro Norway 10 sanadood oo ah waxbarashada khasabka ah, oo micnaheedu yahay inay waaliddiinta geeyaan caruurtooda dugsiga iyo inay hubiyaan inay sameeyaan layligooda guriga. Kharashka waxbarashada hoose iyo tan dhaxe waa bilaash, buugagga dugsiga ee caruurta waxaa bixinaayo maamulka deegaanka. Waxay caruurta bilaabayaan dugsiga Agosto ee ah sanadka ay lix jirsanayaan.

Waa inay caruurta tagaan fasalada ee maaddo kasto. Waxa dhici karo in laga reebo caruurta qayb ka mid ah Aqoonta Masiixiga iyo manhajka Nidaamyada Anshaxa Waxbarashada (CKREE), haddii ay sidaas soo coodsadaan waaliddiinta. Caruurta dhigato sanadka koowaad iyo kan labaad waxay dugsiga dhiganayaan 4-5 saacadood maalintii. Sacadaha dugsiga la dhigto waa ka dheer yihiin caruurta ka da’ wayn. Waa inay caruurta Norway guriga ka keensadaan baakadka qadada si ay ugu cunaan dugsiga. Dugsiga cunto ma bixiyo.

Waxaa caruurta laga soo siinayaa dugsiga layliga guriga sanadka koowaad. Waxay waaliddiinta mas’uul ka yahiin inay hubiyaan inay caruurtooda samaynayaan layliga guriga iyo inay ka caawiyaan. Caruurta dugsiga hoose iyo kan dhexe loo ma siinaayo wax darajooyin ah shaqadooda, laakin waxay barayaasha war celin qoran ka siinayaa waaliddiinta sida horumarinta ay u gaarayaan.

Waxay wiilasha iyo gabdhaha wada dhigtaan isku fasallo, waxayna wada dersaan dhammaan isku maaddooyin. Inta lagu jirro sanadka koowaad ee dugsiga waxay caruurta ku qaadanayaan maalin hal toddobaad waxbarasho dibedda. Waxaa sidaan lagu magacaabaa waxbarashada dibedda ka ah dugsiga. Inta badan sanadka ee Norway waa qaboob, oo la socdo roob, baraf iyo budada barafka. Waxaa sidaas darteed muhiim u ah caruurta inay soo qaataan dhar kulul, kobaha culus (boots) iyo roob-celiyaha. Waa inay xitaa iskaga beddelaan dharka dugsiga haddii ay qoyan yahiin.

Ku soo qoridda

Waa in cunug kasto lagu soo qoraa dugsiga deegaankiisa ka hor inta uusan bilaabin. Waxay dadka intooda badan helaan warqad loogu sheegaayo marka ay qorista la qabanaayo, laakin waxaa ogaysiis lagu soo daabacayaa wargaysyada deegaanka. Sanadka uu cunugga noqonaayo shan jir- oo ah had iyo jeer Sebtembar- waa inay waaliddiinta tagaan dugsiga waana inay dhammaystiraan foomka ku qorista.

Caruurta joogi doono Norway in ka badan seddax bilood waa inay waqti gaaban ku bilaabaan dugsiga ka dib imaanshaha dalka.

Xanaanada ka hor dugsiga (SFO)

Waxay dhammaan dugsiyada siiyaan nidaamka xanaanada ka hor dugsiga (SFO) caruurtaa aad u dhallin yar, halkaasi ay ku ciyaari karaan iyaga oo ay kor ka ilaalinayaan dad qaangaar ah. Waaliddiinta doonayaan inay caruurtooda tagto nidaamka xanaanada ka hor dugsiga (SFO) waxay bixinayaan bishiiba xoogaa lacag ah. Waxaa caruurta tegayo FSO la siinayaa cunto fudud.

Waalidiinta Iyo dugsiga

Waxay waaliddiinta iyo dugsiga si wada jir ah uga wada shaqaynayaan inay ka caawiyaan in caruurto korto. Waxa labo jeer sanadkii dhammaan waaliddiinta lagu cusamyaa inay ka soo qaybgalaan inay la qaatan fadhi barayaasha.
Waxuu baraha hal mar sanadkii ku casumayaa waaliddiinta cunug kasto fadhi uu baraha ugu sheegaayo sida uu cunugga uga gaaraayo horumar dugsiga waxaana waaliddiinta la waydiisanayaa aragtiyadooda. Fadhiyadaan ka hor waxay caruurta waawayn qorayaan waxay ka jecel yahiin ama aysan ka jecleen dugsiga.
Waxay waaliddiinta soo waydiisan karaan waqti kasto inay la yeeshaan fadhi barayaasha cunugga haddii ay u baahan yahiin talo ama ay jecel yahiin inay kala hadlaan arrimo kale.

Caawinaadda luqadda

Waxaa la siin karaa caruurta dugsiga koowaad iyo kan sare-hoose ee Norway casharo dheeri ah, iyada oo lagu daraayo manhajka caadiga ah. Waxay dugsilayda baraayaan fahmidda, ku hadalka, akhriska iyo ku qorista Norwejiyaanka. Waxuu muhiim u yahay Norwejiyaanka barashada maaddooyinka kale.
Sidaas darteed waxay dugsiyo badan lee-yahiin fasallo gooni u ah dugsilayda aan ku hadlin Norwejiyaanka. Waxay dugsilayda dhiganayaan fasalladaasi waqti u dhexeeyo lix bilood ilaa labo sanadood. Waxaa halkaan diiradda lagu saarayaa barashada aasaasiga u ah Norwejiyaanka. Waxay dugsiyada kale si toos ah u gaynayaan dugsilayda fasallada. Haddii ay sidaasi noqoto waxa la siinayaa caawinaad badan oo dheeri ah ee luqadeed.
Waxaa loo gudbinayaa dugsilayda fasalka ka tarjumaayo da’dooda ay haatan jiraan haddii uu baraha aaminsan yahay inuu Norwejiyaankooda si fiican ugu filan yahay kaasi oo u fasaxaayo inay raacaan manhajka caadiga ah.
Markii lala yeesho wada tashi baraha, waxay waaliddiinta go’aan ka gaarayaan inuu Norwejiyaanka u noqdo cunugga luqaddiisa/eeda koowaad ama sida ka labaad. Waxaa dugsiloowga  laga soo wareejin karaa Norwejiyaanka ah sida luqaddiisa labaad isag oo loo soo wareejinaayo fasallada Norwejiyaanka ee caadiga ah inta ay dhiganayaan dugsigiisa/eeda.
Baahida lo Si kastaba ha noqotee, baridda luqadda hooyo waa la gaarsiin karaa haddii ay jirto baahi loo qabo. Waxaa marmar dugsilayda lagu baraa luqaddooda hooyo maaddooyin kale. Markii ay jirto arrintaas waxuu cunugga dhiganayaa fasalka maaddada baraha isaga oo la jirro baraha luqadda hooyo, waxaana maaddada la baranaayo loogu tarjumayaa isla luqaddiisa/eeda hooyo.
Dugsilayda ku qabaan dhib inay ku hadlaan, ku akhriyaan iyo inay ku qoraan Norwejiyaan waxaa waxbarasho looga siin karaa xitaa dugsiga hoose-sare. Waxaa baridda luqadda hooyo lagu saa’idin karaa dugsiga caadiga ah ee maalinta waxaana lagu samayn karaa dugsi kale oo aan ahayn dugsiga ay caadi ahaan dugsiloowga u dhigto.o qabo baridda luqadda hooyo waa ugu wayn yahay markii cunugga ku baranaayo akhriska iyo qorista dugsiga.

Dugsiga sare

Waxay dadka magangalyo-doonka ah oo ay da’dooda tahay 16-18 xaq u lee-yahiin inay isku qoraan dugsiga sare haddii ay soo dhammaystirteen 10 sanadood ee waxbarashada khasabka ah ama waxbarasho kale oo sare.
Waxay waaliddiinta caadi ahaan ka bixiyaan caruurtooda lacagta buugagga wax laga barto inta ay dhiganayaan dugsiga sare. Kuwa deggan xaruumaha soo dhowaynta magangalyo-doonka waxay ka coodsan karaan UDI, Iyaga oo soo maraayo xarunta soo-dhowaynta, in laga caawiyo maaliyadda lagu bixinaayo buugaggaas wax laga barto.
Waxay ardayda qaarkood u baahan karaan Inay ka bartaan luqad saa’id ah dugsiga sare. Waxay dugsiyada qaarkood sidaas darteed soo bandhigeen labo sanadood oo ah fasalka aasaasiga oo inta ay ku jiraan ardayda ka helayaan inay bartaan barashada saa’idka ah ee Norwejiyaanka iyo Ingiriisiga. Waxay kale ay sidaa u oggolaanaysaa inay u helaan waqti aad u badan ay ku darsadaan maaddooyin kale. Waxaad waydiisaa la-taliyaha waxii warar dheeri ah.

Last updated 03.08.2009
Published 03.08.2009

Quick find topics Topics

Utlendingsdirektoratet

The Norwegian Directorate

of Immigration

Pb. 8108 Dep.

NO-0032 Oslo

(+ 47) 23 35 15 00

www.udi.no/contact