Qofna ma la dhigi karo xabsiga xukun la’aan. Waxay sharciga iyo nidaamyada sugayaan in xuquuqda dadka deggan Norway la dhoowr. Waxay sharciyada qayaxayaan waajibaadka qof kasto ee deggan Norway. Maxkamaha keliya ayaa leh awoodda lagu ciqaabaayo dadka. Waxaana lagu magacaabaa nidaamka sharciga.
Waxay xuriyadda hadalka muhiim u tahay demoqaradiyadda. Waxuu micnaha xuriyadda hadalka yahay in qofna loo cadaadin karin waxuu sheegaayo ama ku fikiraayo. Waxuu qof kasto xaq u lee-yahay inuu sheego aaraadiisa ku saabsan xaaladaha bulshada.
Waxaa ka jiraan Norway in ka badan hal boqol oo wargaysyo ah, sidaasi oo kalena waxaa jirro qanaaddada telefishanka iyo radiyaha. Waxay saxafiyiinka had iyo jeer cambaareeyaan xukuumadda, hay’adaha danta guud iyo dadka awoodda ku leh Norway. Warbaahinta madax banaan waxay muhiim u tahay demoqaradiyadda.
In kasto oo ay Kiniisadda ay tahay Kiniisadda rasmiga ka ah Norway, waxuu qof kasto xaq u lee-yahay inuu isticmaalo diintiisa. Waxuu micnaha xuriyadda diimeed yahay xitaa xaqqa ah inuu qofna aaminin diinta. Waxay diinta ku lee-dahay raad yar nolosha siyaasadeed iyo tan bulshadeed ee Norway. Waxay dad badan u haystaan inay diinta tahay arrin gaar u ah qofka.
Sinaanta iyo xuquuqda loo siman yahay
Ma laga oggolo Norway in qof loo takooro sababta ah lab iyo dhiddig, jinsiga, diinta ama dhinaca galmada. Dumarka iyo ragga waa isku mid waana in laga siiyaa xuquuq simaan dhammaan qaybaha bulshada. Micnaha sinaanta labka iyo dhiddiga waa in dumarka iyo ragga ay ku lee-yahiin isku fursado, xuquuq iyo waajibaad guriga, goobta shaqo, siyaasadda iyo meel kasto oo ay lee-dahay bulshada.
Barwaaqaynta dowladda
Waxay dowladda Norwejiyaanka sugaysaa in qofna u silcin ama uusan waynin waxbarasho, daawayn, dhar uu xirto ama guri. habka sidaan ah waxaa lagu magacaabaa barwaaqaynta dowladda.
Waxay maamulada deegaanka iyo xukuumadda dhexe u qoondhaynayaan lacag dugsiyada, isbitaalada, dhisidda waddooyinka, hawlgabka, adeegyada bulshada iyo danaha kale. Waxay lacagta ka timaadaa canshhurta tooska ah iyo tan ay bixiyaan dadka deggan dalka. Mar kasto oo wax gadanaysid, qayb ka mid ah inta aad bixisay waxaa loo gudbinayaa dowladda. Waxay kale ay dowladda ka heshaa lacag soo-saarka salidda iyo waxqabadyada ay sameeyaan maharadaha kale. Waxay dowladda Norwejiyaanka lee-dahay shirkado badan oo muhiim ah.
Waxuu qof kasto ee joogo Norway ka bixiyaa canshuur waxa soo galo. Dadka ay soo galaan wax aad u badan waxay bixiyaan canshuurta ugu badan, sidoo kale kuwa ay soo galaan wax aad u yar waxay bixiyaan canshuurta ugu yar. Waxay soo ururinta canshuurta awood u siinaysaa xukuumadda inay nagu siiyaan adeegyada kala duwan ee barwaaqaynta. Tusaale ahaan, xarunta soo-dhowaynta magangalyo-doonka ee aad ku nooshahay, dugsiga ay caruurtaada tagaan iyo isbitaalka aad ka heshid daawaynta oo dhammaantood laga bixiyo canshuurta uu qof kasto ka bixiyo Norway.
Sababta oo ah In lagu bixiyo canshuurta adeegyada danta-guud oo qof kasto ka faa’iidaysanaayo, waxaa muhiim ah in qof kasto ay soo gasho lacag ku biiriya qaybtiisa isaga oo bixinaayo canshuurta. Haddii aadan bixin canshuurta lagugu lee-yahay, waa lagu ganaaxayaa, waa laguu xiraayaa ama waxaad bixinaysaa qiimaha canshuurta oo ciqaab ah.
Si aad uga heshid shaqo Norway waa inaad haysataa lambarka aqoonsiga ee shakhsiga ah ama fasaxa shaqada Norwejiyaanka. Waxaa lagu siinayaa lambarka aqoonsiga shakhsiga haddii lagu siiyay fasaxa degganaanta. Waa inaad heshaa oo kale kaadhka canshuurta haddii aad ka qabanaysid shaqo mushahar leh Norway. Waxuu kaadhka tilmaamayaa inta ay la egtahay canshuurta laga jaraayo mushaharkaaga. Waxaad kaadka canshuurta ka heli kartaa xafiiska canshuurta ee degaankaaga.
Ma laga qaadaayo canshuur mushaharka haddii waxa ku soo galo oo aad ka qaadatid shaqo-bixiye kasto ay ka yar tahay NOK 1,000. Waa inaad ka bixisaa oo kale canshur waxa ku soo galo inta aad ka qaybgelaysid Nidaamka Soo-bandhigidda (fiiri cutubka 7aad). Waa inaad la soo socodsiidaa xaruntaada soo-dhowaynta haddii aad heshid shaqo oo aad qaadanaysid lacag.
Waxuu xafiiska canshuurta deegaankaaga kuu sheegi karaa wax intaa ka badan ee ku saabsan ka shaqaynta iyo canshuurta Norway.
Xuquuqda caruurta
Waxay caruurta lee-yahiin xuquuq cad oo muhiim ah. Waxay xaq u lee-yahiin cunto, guri, xanaanada caafimaadka, dhar iyo waxbarasho. Waxay lee-yahiin xaq ay ku fikiraan ayna ku rumaystaan waxay doonaan iyo inay ka helaan caawinaadda ugu fiican ay ka heli karaan bulshada. Caruurta waxay xaq u leeyihiin in la dhegaysto markii ay ka hadlaayaan arimaha waxyeleen u leh. Culayska la saraayo wuxuu cunugga sheegaayo wuxuu u barbardhigma da’da iyo baluuqnimadiisa. Dawladda Norway waxay ma’suul ka tahay in xuquuqda caruurta la eego. Xukumada waa Inay ka difaacda caruurta aflagaado ama dhib kasto.
Caruurta aan la joogin qooysaskooda waxay xaq u lee-yahiin badbaadin iyo caawinaad dheeri ah. Waxay dowladda caawinaysaa caruurta magangalyo-doonka ah waxayna ka shaqaynaysaa si isugu wada keeni lahayd qooysaskooda.
Korinta
Waxay waaliddiinta u korinayaan caruurtooda si ay ugu xanaaneeyaan cunugga danahiisa iyo baahidiisa.Waa in caruurta la baro sida ay bulshada Norwejiyaanka u shaqayso. Waxaa kale oo la barayaa caruurta inay fahmaan micnaha xuquuqda bani’aadamka iyo sinaanta. Waa sharci-darro in la la garaaco caruurta ama in si kale oo jir dil ah lagu ciqaabo, iyada oo loo eegin sababta. Waxaa kale oo sharci-darro ah in maskax ahaan loo xumeeyo cunugga.
Caruurta iyo shaqada
Ma la oggolo in caruurta ka yar 12 jir ay qabtaan shaqo mushahar leh. Ka dib markii ay soo wareegatay seddax iyo toban sanadood malinta dhalashadooda, waxay caruurta qaban karaan shaqo fudud, tusaale ahaan, inay qaybiyaan wargaysyada. Waa in shaqadu aysan waxyeelaynin nabadgelyadooda, caafimaadkooda ama horumarkooda, waana in shaqo kasto uusan wax u gaysan layligiisa/eeda dugsiga.
Adeegga barwaaqo-siinta caruurta
Waajibka Adeegga Barwaaqo-siinta Caruurta waxuu yahay in lagu caawiyo caruurta ku jirto xaalad dhibban. Gudaha Norway. Gudaha Norway, waxuu Adeegga Barwaaqo-siinta Caruurta soo faragashan karaa haddii ay dareensan yahiin in cunugga uu ku jirro halis. Waxay caadi ahaan Xafiisyada Barwaaqo-siinta Cunugga siinayaan waaliddiinta tusaale ay awood ugu yeelanayaan inay la socdaan caruurtooda.
Markii ay jiraan arrimo aad u xun, oo ah markii caafimaadka cunugga ama nabadgelyadiisa ay ku jiraan halis, waxuu Adeegga Barwaaqo-siinta Cunugga u dhiibi karaa qooys hayo ama waxaa la geeynayaa guriga caruurta. Waxay ujeeddada tahay in cunugga si fiican loo xanaaneeyo, iyada lala dejinaayo waaliddiintiisa/eeda ama ay xanaanaynayaan Adeegga Barwaaqo-siinta Cunugga. Waxaad waydiisa hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta haddii aad qabtid wax su’aalo ah ee ku saabsan Adeegga Barwaaqo-siinta Cunugga.
Nolosha qooyska
Dadka joogo Norway waxay la noolaan karaan qofkii doonayaan markii ay ka wayn yahiin 18 jir. Waxay dad badan nool yahiin keligood. Dadka qaarkiis waa waaliddiin keligood ah, waxay qaar la nool yahiin lamaanaha ay isku yahiin isku galmo, inta kuwa kalena ay la nool yahiin saaxibo. Waad guursan kartaa ama waxaad iskaga diiwaan gelin kartiin maamulada sida lamaanayaal- ama isla noolaan kartaan keliya. Lamaanayaasha qaniisyada ah ee Norway waxay u wada noolaan karaan iyaga oo si-diiwaan gelin ama si lamaanayaal diiwaan gashan.
Si ay isu guursadaan nin iyo naag waa inay ahaadaan 18 jir. Waxuu qof kasto xaq u lee-yaha inuu xusho qofka uu guursanaayo. Qof kasto oo joogo Norway ma lagu khasbi karo ama ma lagu cadaadin karo inuu guursado, mana loo diri karo caruurta inay ku soo guursadaan dal uu guurka khasab yahay. Haddii uu guurka ahaa mid ku dhacay cadaadis, markaa ma la oggolaan doono inay qooyska isu yimaadaan. Waxaa kale oo looga dhawaaqi karaa Norway inuu guurkaasi khasabka ah waxba ka jirin. Waxaa la furayaa dacwadda ah in muddo aan ka dambayn lix bilood ka dib la baabi’yo guurka khasabka ah markii uu dhaqan galay.
Waa ka dembi Norwayn in la guursado hal qof ka badan. Waa dembi ciqaab leh haddii aad horay u guurasatey oo aan guurkii hore la soo baabi’inin.
Waxay rag iyo dumar labaduba xaq u lee-yahiin inay is-furaan. Haddii uu midkood uusan sii doonayn in laysa sii qabo, isaga/iyada waa inay si caadi ah marka koowaad u soo waydiisataa in la kala joogo (waqtiga sugitaanka ka hor intuusan furiinka dhammaan). Markii ay lamaanayaasha ay kala joogeen ugu yaraan hal sano, dhinac ayaa soo waydiisan karo furiinka. Ma wada noolaan karaan lamaanayaasha waqtiga kala joogista. Haddii ay lamaanayaasha wada noolaayeen ugu yaraan labo sanadood, waxay dhinacyada soo waydiisan karaan furiin iyada oo lagu xisabtamin waqtiga kala joogista. Haddii ay lamaanayaasha is furaayo ay isu lee-yahiin caruur, waa inay tagaan fadhiyada talosiinta ee qooyska ka hor inta aysan soo coodsan furiinka.
Ma aha suurto gal inay maxkamadda amar ku soo saarto baabi’inta guurka iyada oosan jirin waqtiga kala joogista haddii midkood oo dhinaca kale u gaystay xumaan ama isku dayay inuu dilo, ama ku handado dagaal iyo faro-xumayn.
Dagaalka
Ma laga oggolo Norwy in loo gaysto dagaal iyo handadaad oo lid ku ah xubnaha qooyska. Ka akhriso waxyaabo dheeri ah ee ku saabsan Cutubka 5aad. Waxaa jiraan inay dalka ku baahsan yahiin 50 hooy oo loogu talogalay dagaalada guriga ka dhacaan. Waxay hooy aqbalaan dumarka iyo caruurta oo jir ahaan la soo waxyeeleeyay oona dareensan handadaadyo. Ma u baahnid inaad soo waydiisato gabood ama aad la soo xiriirtid mid ka mid ah hoyga.