Waxuu qof kasto
Waxuu qof kasto oo joogo Norway u baahan yahay inuu ogaado waxii sharci ah iyo waxii sharci-darro ah. Markii aad joogtid Norway waa inaad u hoggaansantaa sharciga. Waxay sharuucda qaarkood ee Norway ka duwan yahiin kuwa dalalka kale. Waxaa lagugu xukumi karaa dembi xitaa haddii aadan aqoon inaad jebinaysid sharciga Norwejiyaanka. Waxaa sidaas darteed muhiim ah inaad garato shuruucda intooda badan.
Gudaha Norway, waxuu sharciga ka horeeyaa diinta iyo caadada. Waxay micnaheeda tahay inaad u hoggaansantid sharciga Norwejiyaanka xitaa haddii u lid ku yahay caadada aad ku soo dhaqantay. Ma uga dhigi kartid sabab fal sharci-darro ah adiga oo ku magacaabaayo inuu yahay caado ama fal diimeed.
Haddii aadan hubin waxa ku saabsan arrinta inuu ka yahay sharci ama sharci-darro Norway, waxaad waydiisaa hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta.
Waxay hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta si intaa ka badan kuugu micnaynayaan waxa ku saabsan shuruucda Norwejiyaanka sida qayb ka mid barnaamajka wararka.
Booliska
Waxay booliska lee-yahiin shaqooyin badan. Waxay ka hortagaan dembiga waxayna dhoowraan nabadda. Waxay kale ay ku difaacaan dadka gudaha xuduudaha dalka.
Dadka Magangalyo-doonka ah iyo dembiga
Haddii aad ku jebisid sharciga gudaha Norway inta aad tahay magangalyo-doon, waxuu UDI u socodsiinayaa si degdeg ah coodsigaaga. Haddii la soo diido coodsigaaga waxaa dalka lagaaga dhoofinayaa si xoowli. Waxaa kale oo dhib noqonayso inaad ku soo gasho Norway iyo dhoowr ah dalalka yurub taariikh dambe.
Waa sharci-darro in la sameeyo caddayn been-abuur ah ama la soo bandhigo dokumenti been-abuur ah oo xiriiri la leh coodsiga magangalyada. Dadka Magangalyo-doonka ee la soo diiday coodsiyadooda waa inay ugu baxaan dalka muddada loo cayimay. Haddii ay sidaasi yeelin, waxaa soo qabanaayo booliska, waa la xirayaa waxaana la gaynayaa xarunta suga ee dhoofinta ka hor inta dib looga dhoofin dalka.
Ciqaabta
Haddii aad jebisid sharciga , waxaa lagu horgaynayaa maxkamad. Haddii lagugu helo dembi oo lagugu xukumo dembi ciqaabeed ee aad u xun, waxaa lagugu xukumi karaa sanooyin badan oo xabsi ah iyo/ama ganaax wayn ayaa lagugu qaadi karaa.
Ciqaabta ugu badan Norway waa 21 sanadood oo xarig xabsiyeed ah. waxaa ciqaabta ugu wayn lala xiriiri karaa dembiyada muqaadaraadka iyo dilalka aad u xun. Ma laha Norway ciqaabta dilka.
Noocyada kala duwan ee dembiga: Takoorka
Waxuu micnaha takoorka yahay in loo la dhaqmo qof si aad uga xun kuwa kale sababta oo ah labnimada iyo dheddignimada, jinsiyadda, jinsiga, diinta, midabka jirka, curyaanimada ama dhinaca galmada.
Haddii laguu la dhaqmo si aad uga xun kuwa kale sababta oo ah asalka jinsigaada, waxaad u tahay dhibbane midabtakoor. Waa ka sharci-darro Norway, laakin waxuu ka dhici karaa dukaamada, goobta-shaqo ama meel kasto ee bulshada. Waxuu kale uu takoorka ka dhici karaa xaruntaada soo-dhowaynta magangalyada.
Waxaad xaq u lee-dahay inaad sheegtid in lagugu sameeyay takoor kana qaadatid tilaab lid ku ah dhaqankaas. Haddii aad u tahay dhibbane midabtakoor ama takoorid wayn, waxaa lagu qaadayaa dembiilayaasha dacwad. Waxay kuu sheegayaan hawlwadeenada joogo xaruntaada soo-dhowaynta magangalyada wax intaa ka sii badan oo ka ah qayb barnaamajka wararka.
Dagaalka iyo hanjabaadda dagaalka
Istimaalidda dagaalka iyo in loo gaysto dhaawac jireed qof waa ka sharci-darro Norway. Waxaa sidaan oo kale lagu la dhaqmayaa xubnaha qoyska. Waxaa kale oo sharci-darro ah in loo gaysto qof hanjabaad dagaal leh. Waxuu kale sharciga si gaar ah culays u saarayaa dagaalka loo gaysanaayo dumarka iyo caruurta. Dagaalka gudaha iyo dibedda qooyska labaduba waa sharci-darro.
Kufsiga/ faro-xumaynta galmada
Kufsiga waa dembi aad ugu xun Norway. Waxaa kale dembi ah kufsiga dadka is-qabo. Kufsiga ma laha cududaar, iyada oo loo eegayn sida uu dhibbanaha u lebisnaa ama u dhaqmaayay. Dadka lagu xukumey kufsiga waxaa loo tixaabayaa xabsiga.
Da’ad galmada la ogol yahay
Waa ka sharci-darro Norway in lala yeesho galmo qof ka yar 16 jir, xitaa haddii ay labada dhinac is-oggol yahiin. Waxuu qof kasto mas’uul ka yahay inuu ogaado in lamaanahiisa galmada uu ka wayn yahay 16 jir.
Kuwa aan isgaynin
Xiriirka galmada ee lala yeelanaayo xubnaha qooyska (tusaale ahaan waaliddiinta, caruurta, walaalaha, awoowayaasha iwm) ma is-geeyaan. Waa ka mamnuuc isu-tegiddaas Norway.
Naafaynta xubinta taranka (dhalmada)
Waxuu gudniinka dumarka si xoog leh mamnuuc uga yahay Norway. Waxaa dhammaan noocyada gudniinka dumarka, uu ku jiro gudniinka “sunnada” inay yahiin naafaynta xubinta taranka. Waa sharci-darro in loogu khasbo qof, la oggolaado ama laga qaybqaato naafaynta xubinta tarmada ee gabdhaha ama dumarka. Naafaynta xubinta tarmada waxay keenaysaa ciqaabta ugu badan oo ah 8 sanadood oo xabsi ah. Waxaad ka sii akhrisan kartaa wax inta ka badan Cutubka 2aad. Waxay hawlwadeenada xaruntaada soo-dhowaynta magangalyada kaa siin karaan warar badan ee ku saabsan sharcigaan.
Cudurada laysku qaadsiiyo galmada
Haddii aad ogtahay inaad qaaday cudurka laysku qaadsiiyo galmada oo aad weli sii qaadsiinaysid kuwo kale cudurkaan, waa lagugu soo dacwayn karaa. Haddii aad shaki kaaga jirro inaad qabtid iyo inkale cudurka laysku qaadsiiyo galmada, waa inaad kala tashataa takhtarka. Waxay takhaatiirta ku khasban yahiin inay dhoowraan sirta dadkooda jirran waxaad arrinta ka akhrisan kartaa Cutubka 2aad.
Guurka khasabka ah
Qof kasto oo joogo Norway kana wayn 18 jir waxuu xaq u lee-yahay inuu iskiis u go’aansado qofka uu gbuursanaayo. Waxay micnaheedu tahay in qofka ku nool Norway lagu khasbi karin innu galo guur lid ku ah rabitaankiisa- ha ahaato gudaha Norway ama dibedda. Waxuu qof kasto xaq u lee-yahay inuu iskiis u go’aansado haddii uu doonaayo furiin.
Waxuu guurka ka yahay diimo badan muqaddas, sidaasi oo yahay, waa in sharciga loo hogaansamaa, xitaa haddii ay nidaamyada hiddaha ama dhaqamada diimeed ay ka duwan yahiin.
Xumaanta loo gaysanaayo cunugga
Ma looga ciqaabi karo caruurta dharbaaxyo, laad (haraanti) ama noocyo kale oo ah dil gudaha ama dibedda guriga. Dhammaan ciqaabta jireed iyo maskaxeed ee carruta waa sharci-darro waxaana lagu soo oogayaa dacwad dembiilyaasha. Si xoog leh ayay u tahay mamnuuc faraxumaynta galmada ee loo gaysanaayo caruurta waxayna dembiyada noocaas ah keenayaan xabsi waqti dheer leh.
Waa soo farogashan kartaa Adeegga Barwaaqosiinta Caruurta haddii ay dareensan tahay inuu cunugga ku jirro halis. Waxaad la soo socodsiin kartaa Adeegga Barwaaqosiinta Caruurta haddii aad ogtahay in cunug ku jirro halis. Caadi ahaan waxay saraakiisha barwaaqaynta caruurta siiyaan waaliddiinta tusaalooyin ay kula socon karaan caruurtooda.
Hubka
Waa sharci-darro in la qaato qoryo, mindiyo ama hub kasto oo kale, xitaa haddii ay ujeeddada tahay in laysku difaaco. Waxaa isla sidaas lagu dhaqayaa qoryaha, daran-dooriga u dhaco, qalabka caruurta ku ciyaarto, qoryaha hawada leh iyo waxyaabaha kale oo u ekaan karo qoryaha. Waa mamnuuc in la gato ama la iibsado hub haddii aan laga haysan fasaxa gaar ah maamulada Norway.
Aalkolka
Waa ka sharci in aalkolka (khamriga) looga isticmaalo meel kasto oo ka mid ah Norway. Waa sharci-darro in la wado gaari adiga oo cabsan aalkol.
Maandooriyayaasha
Gedidda, haysashada iyo ku isticmaalidda dhammaan noocyada maandooriyayaasha si xoog leh ayay sharci-darro uga yahiin gudaha xuduudaha Norway. Khaadka, xashiishka iyo kanabiska/marijwaanada, oo ka noqon karaan sharci dalal kale qaarkood, waxay yahiin maandooriyayaal sharci-darro ka ah Norway.
Kontorobaan
Ma la oggolo in alaab lagu soo geliyo si sharci-darro ah dalka. Dhammaan gadashada iyo iibka alaabta kontorobaanka ah waxay keeni karaan in dacwad la soo oogo. Waxaad si shakhsi mas’uul uga tahay inaad hubisid inaadan gadan alaab kontorobaan ah.
Tuugonimada iyo gacan ku haynta alaabta la soo xaday
Waa ka mamnuuc xatooyada Norway. Waxaa kale oo sharci-darro ah in la gato ama la iibsado alaab uu soo xaday qof kale.
Dhillaysiga, isugaynta iyo dad soo gelinta
Waa sharci-darro in la gato ama la iibsado qof kale oo ah bani’aadam. Waxaa kale oo sharci-darro ah in loo kireesto dad ujeeddo ah dhillaysi ama in lagu caawiyo dhillaysi.
Haddii aad tahay dhibbanaha falalkaas, waxaad heli kartaa caawinaad aad uga baxdid. Kala hadal hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta magangelyada haddii uu qof kugu khasbaayo ama isku dayaayo inuu kugu khasbo dhillaysiga. Waxaad kale u sheegaysaa UDI xaaladdaada.