Haddii ay diidmada codsigaada magangalyada tahay ugu dambayn, waxaad dhuminaysaa xaqqa aad ku joogaysid Norway. Waxuu Cutubkaan ku siinayaa wararka ku saabsan tilaabooyinka aad qaadaysid haddii aad heshid diidmadaas.
Waxuu codsiga
Waxuu codsiga magangalyada gelayaa jawaab ah HAA ama MAYA. Waxaa dad badan oo magangalyo-doon ah loo diiday fasaxa ay ku joogaan Norway waxayna dib uga labanayaan dalka.
In la soo diiday codsigaaga magangalyo waxaa loo dareemi karaa caddaalad-darro. Waxay dad badan u haystaan inay qabaan sabab macquul ah oo aad u fiican in loo oggolaado inay joogaan Norway. Waxaa dhici karto inaad ka soo tagtay gurigaaga iyo hantidaada si aad ugu qaxdo Norway. Laakin haddii la soo diiday coodsigaaga, waxay micnaheedu tahay in maamulada Norwejiyaanka aysan aaminsanayn inay jiraan sababo fiican ee lagugu siiyo magangalyo.
Haddii aad heshid diidmada ugu dambayso ee codsigaaga magangalyada, waxay maamulada kaa sugayaan inaad dib ugu laabatid dhulkaaga hooyo. Waxaa caadi ahaan waajib kugu ah inaad uga baxdid 2-3 toddobaad gudahood markii aad heshid la socodsiinta diidmada ugu dambayso.
Waxaa muhiim ah inaad adiga iyo qooyskaaga u diyaar ahaataan inay suurto gal noqon karto diidmadaas u dambayso idinka oo ogsoon waxaad markaa ka dib samayn laheydeen. Waa inaad haysataa aragti dhab ah ee ku saabsan fursadaha in lagu siiyo magangalyo. Haddii aad la timid caruur Norway, waxaa si gaar muhiim u ah inaad u micnaysid waxa dhici karo haddii aad ku guul-darraysato codsigaaga.
Diidmada
Haddii la soo diido codsigaaga magangalyo, waxaa laguu qabanayaa qareen. Waxaad xaq u lee-dahay inaad ka qaadato racfaan lid ku ah go’aanka lagu diidan yahay coodsigaaga. Waxuu qareenkaaga kaa caawinayaa samaynta racfaankaaga.
Dib ugu laabashada dalka
Haddii la gaaray go’aanka ugu dambeeyo ee diidmada coodsigaaga, waa inaad ka baxdid Norway. Waxaa lagugu casumayaa fadhi aad la qaadanaysid hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta magangelyada. Waxay kuu sheegayaan fursadaha kuu furan bacdamaa haatan ugu dambayntii la soo diiday coodsigaaga.
Waxaad ka codsan kartaa Ururka Caalimiga ah ee Socdaalka (IOM) inuu kaa caawiyo kaana siiyo kaalmo maaliyadeed socdaalkaaga dib u noqoshada.
Waxaa lagu siinaaya caawinaadda haddii aad dalkaaga hooyo ugu noqonaysid si raalli ah.
Waxuu IOM kugu caawinayaa helitaanka dokumentiga safarka. Inaad ku socdaashid IOM waa kharash bilaash ah.
Faa’iidada ka codsiga IOM kaalmo waxay tahay in dhammaan kharashka lagaa bixinaayo, waxaana lagu siinayaa caawinaad aad ku heshid dokumentiga dhoofka iyo tikidhka diyaaradda.
Waa inaad ka coodsataa IOM kaalmada ka hor intuusan dhicin waqtiga laguu qabtay si aad ugu laabatid dalka. Waxaad kala hadashaa hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta magangalyada.
Haddii aad sii joogtid Norway ka dib taariikhda lagaa rabey inaad ugu laabatid dalka, waxaa arrintaada gacanta loo gelinayaa booliska. Waxaa dalka lagaaga saarayaa si xoog ah haddii adiga oo raalli ah uga bixin. Markii ay jirto dhoofinta khasabka ah, waxaad lagaa doonayaa inaad siidid kharshka dhoofinta maamulada. Waaa in la bixiyaa kharashyadaan ka hor inta aan laguu oggolaan inaad dib ugu laabatid dalka.
Kaalmada maaliyadeed markii dib loo noqonaayo
Haddii lagu siiyay fasaxa joogitaanka gudaha Norway, laakin aad weli aad doonaysid inaad dib ugu laabatid dalka, waxaad u qalmaysaa in lagu siiyo kaalmo maaliyadeed (Gacasiinta Dib u noqoshada). Waxaa u sii dher gacansiintaan, in maamulada Norwejiyaanka kaa bixinayaan kharashka socdaalka. Ma u mudnaanaysid gacansiintaan haddii coodsigaaga uu weli gacanta lagu haayo ama haddii la soo diiday coodsigaaga.