Waxaad lahaanaysaa labo doorasho:
1) Waxaad raadsanaysaa naf-ahaantaada meel aad ku noolaatid adiga oo caawinaad ka helaynaynin maamulada. Haddii aad sidaas samaysid, waa inaad adiga maaraysataa maaliyadda ku baxayso.
2) Waxaad kala shaqayn kartaa xarunta soo-dhowaynta magangalyada iyo Agaasinka Is-dhexgalka iyo Kala duwanaanta (IMDI) si loo helo meel aad ku noolaatid.
Adiga ayaa naf-ahaantaada u heli karo meel aad ku noolaatid. Markii ay sidaas tahay, waa inaad haysataa lacag kugu filan oo aad ku kaalmaysid naftaada iyo qooyskaaga sababta oo ah inaan lagu siinayn wax caawinaad ah si aad u heshid meel aad ka degtid munishiibiyadaada cusub.
Haddii aad ku xiran tahay kaalmada maaliyadeed ee lagaa siiyo maamulada guud, waxay xarunta soo-dhowaynta magangalyada iyo IMDI kaa caawinayaan inaad heshid maamul deegaan oo aad deggi kartid. Waxuu IMDI ku siinayaa hal fursad oo dejin ah. Haddii aad diidid, waxaad dhuminaysaa xaqqa aad ku joogaysid xarunta soo-dhowaynta magangalyada. waxaad kale oo aad dhuminaysaa kaalmada maaliyadeed.
Markii adiga iyo xarunta soo-dhowaynta magangalyada aad heshaan la socodsiinta ah in lagu siiyay fasaxa degganaanta ee Norway, waxaa la qabanqaabinayaa fadhi loo hadlaayo dejintaada. Waxay ujeeddada fadhigaan yahay in la ogaado waxa aad doonaysid inaad samaysid mustqabalka. Waa muhiin in la helo munishiibiyo kugu habboon. Waraysiga dejinta waa in lagu qabtaa labo toddobaad gudahood markii lagu siiyay fasaxa degganaanta.
Waxay xarunta soo-dhowaynta magangalyada iyo IMDI ku salaynayaan raadintooda munishiibiyada wararka aad adiga siiday waraysigaaga dejinta. Waxaa sidaas darteed muhiim ah inaad sheegtid nooca shaqada, tabobaridda ama waxbarashada dheeriga ah oo aad jeceshahay. Waaa inaad u sheegtaa haddii aad horay ugu lahayd qooyska gudaha Norway, iyo warar kale oo muhiim u ah halka aad rabtid inaad degto.
Inta lagu jirro waraysiga dejinta waxaa lagu siinayaa warar wax ku ool ah ee ku saabsan habka aad ku helaysid munishiibiyada ku maligelinayso.
Dejinta
Waxuu xafiis gobaleedka ee IMDI go’aaminayaa munishiibiyada lagu dejin doono. Waxuu IMDI isku dayayaa inuu tixgeliyo waxaad ku sheegtay waraysigaaga. Laakin had iyo jeer suurto gal ma aha in la helo munishiibiyada ku habboon waxa aad si fiican u jeceshahay. Waxuu IMDI kuu helayaa halka aad ku lahaanaysid fursadda aad ku helaysid shaqo ama waxbarasho dheeri ah adiga oo ka qaybqaadanaysid barnaamajka is-barashada. Waxaad sidaan aad uga akhrisataa qaybta daboolayso barnaamajka is-barashada.
Raadi meelaha ku siinayaan waxa aad raadinaysid. Waxay hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta magangalyada ku tusin karaan sida looga raadsado munishiibooyinka kala duwan ee Norway. Haddii aad tahay ka qaybqaataha firfircoon ee habsocodsiinta waxaa aad u fududaanaayo helitaanka meel aad ku noolaatid.
Waxay dad badan rabi karaan inay degaan isla aagga, ama ay helaan meel ku dhow deegaankooda ay markii koowaad doorteen.
Waxay dad badan rabi karaan inay degaan isla magaalada. Waxay munishiibiyo kasto lee-dahay tiro xadidan oo ah meelo la dego, ma la gayn karo qof kasto deegaankii oo markii koowaad doortay.
Haddii aad oggolaatay dejinta lagaa siiyay munishiibiyada, waxaad sii joogi kartaa xarunta soo-dhowaynta magangalyada ilaa magaalada ku martigelinayso ay diyaar u noqonayso inay ku oggolaato. Inta ay la egtahay inaad sii joogti xarunta soo-dhowaynta magangalyada waqtiba waqti ayuu ka duwan yahay.
Markii la go’aamiyo halka aad degi doontid, waxay la soo xiriiraysaa adiga iyo xarunta soo-dhowaynta magangalyada. Waxay kugu soo wargelinayaan halka lagaa siinaayo guri iyo marka aad u guuri kartid. Waxa kale oo lagu siinayaa warar kale oo wax ku ool ah ee ku saabsan guuritaanka.
Xasuuso inuu IMDI ku siinaayo hal siismo oo keliya (hal mar oo keliya ayuu guri ku siin doona). Haddii aad diidid siismadaan, waxaad dhuminaysaa kaalmada lacageed oo aad qaadanaysay waana inaad ka guurtaa xarunta soo-dhowaynta magangalyada.
Dadka intooda badan la siiyay fasaxa deganaanata waxay xaq u lee-yahiin, waajibaadna ka ah, inay tagaan casharka luqadda Norwejiyaanka. Waa inaad dhammaysid fasalkaan si aad u hesho fasaxa degganaanta joogtada ah ama jinsiyadda Norwejiyaanka.
Waa inaad dhammaysid fasalka luqadda Norwejiyaanka ka hor dhammaadka seddaxdaada sanadood ee koowaad ee aad joogtid Norway. Waxaa nidaamkaan lagu dhaqayaa kuwa la siiyay fasaxa degganaanta Norway ka dib 1 Sebtembar 2005.
In lagu hadli karo Norwejiyaanka waxay muhiim u tahay in la fahmo iyo lagu fahmo, in la helo shaqo ama waxbarasho, iyo ka qaybqaadatid bulshada Norwejiyaanka. Haddii u lahayd xirfadaha Norwejiyaanka fiican ama luqadda Sami, waxaa lagaa dhaafi karaa barashada khasabka ah ee luqadda.
Waxaa mas’uul ka ah munishiibiyadaada barashada luqadda Norwejiyaanka. Iyaga ayaa go’aaminaayo inaad dhigatid fasallada Norwejiyaanka. Haddii aadan helin waxbarashada aad xaqqa u lee-dahay, waxaad xaq u lee-dahay inaad soo samaysatid cabasho.
Barnaamajka Is-barashada
Waa inay dadka intooda badan la siinaayo fasaxa degganaanta qayb ka qaataan barnaamajka is-barashada. Waxaad ku soo biiraysaa dhowaan barnaamajka markii aad u soo guurto magaaladaada ku martgelinayso. Waa barnaamaj waxbarasho oo aad xaq u lee-dahay oo dhammaan dadka soo gelootida qaangaarka ah ee asal ahaan qaxooti ah oo ay da’dooda u dhexayso 18 iyo 55 jir xaq iyo waajib u lee-yahiin inay tagaan.
Waxay ujeeddada barnaamajkaan tahay in laguu fududeeyo helitaanka shaqada, in awood laguu siiyo inaad kaalmaysid naftaada iyo qooyskaaga. Waxaa ku jirro nidaamka is-barashada ragga iyo dumarka labadooda. Waxaad baranaysaan Norwejiyaanka iyo bulshada Norewejiyaanka iyo nolosha shaqada.
Waxbarashada lagu bixiyay barnaamajka is-barashada waxay ku cabiran tahay asalkaaga iyo qorshayaashaada mustaqbalka.
Barnaamjka is-barashada waa barnaamj waqti-buuxo, shan maalin toddobaadkii, oo ku dhamaanaayo ilaa labo sanadood.
Haddii aad heshid shaqo lacag leh oo aad noqotid qof leh madaxbanaani maaliyadeed, waxaad ka bixi kartaa barnaamajka ka hor dhammaadka labada sano. Waa inay munishiibiyada ku siiso oggolaanshaheeda haddii aad jeceshahay inaad ka baxdid barnaamajka.
Waxaa lagu siinayaa deeq hordhac ah intii aad dhiganaysid barnaamajka is-barashada. Waa mushahar lagu dhiganaayo barnaamajka. Waxuu barnaamajka is-barashada lee-yahay nidaamyo badan oo ah isla kuwa shaqada. Waa inaad ka bixisaa canshuur barnaamajka deeqda aad qaadatid, waana lagaa jarayaa deeqda haddii aad uga maqnaatidna sabab la’aan. Waxaa laguu oggol yahay inaad qabatid shaqo dheeri ah ee saa’id ku ah barnaamajka is-barashada.
Waxay munishiibiyadaada mas’uul ka tahay nidaamka hordhaca. Waxay kale ay munishiibiyadaada go’aaminaysaa haddii ay tahay inaad tegtid barnaamajka is-barashada.
Waxaad xaq u lee-dahay inaad ka soo cabatid haddii aan laguu oggolaanin inaad ka qaybgashid barnaamajka is-barashada. waxay hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta magangalyada kuu sheegayaan waxa ku saabsan nidaamka hordhaca.
Markii lagaa siiyay Norway fasaxa degganaanta sare, waxaa laguu oggolaaday inaad wax ka barato jaamacad ama college-ka waxbarashada sare. Waxaa jiraan dhoowr shuruudadood ee waxbarashada sare. Haddii aad ka haysatid shahaadooyin dhulkaaga hooyo, waa inay maamulada Norwejiyaanka aqoonsadaan. Waxaad waydiisaa faahfaahinada hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta magangalyada ama xarunta waxbarashada dadka qaangaarka ah.
Lambarka aqoonsiga shakhsiga iyo jinsiyadda
Markii lagu siiyay fasaxa degganaanta, waxaa lagu siinayaa lambarka aqoonsiga shakhsiga Norwejiyaanka. Waxuu muhiim u yahay lambarkaan si loo garto bixinta caymiska bulshadeed, daawaynta caafimaadka, waxbarashada ama fasaxa shaqada ee Norway. Waxaa ku siinayo lambarka aqoonsiga shakhsiga Diiwaangeliyaha Dadka ee Qaranka.
Isu-keenidda qooyska
Markii lagu siiyay fasaxa degganaanta, waxay xubnaha sokeeye ee qooyska soo coodsan karaan kinay ugu soo biiraan Norway. Waa inay ka soo coodsadaan safaaradda Norwejiyaanka ee ugu dhow, qunsuliyadda ama ergayda. Waxaa la oggol yahay sanadkiiba mar.
Waxay yahiin xubnaha sokeeye ee qooyska kuwa is-qabo iyo lamaanayaasha diiwaangashan, lamaanayaasha isla deggan in ka badan labo sandood ee joogto ah iyo caruurta ka da’ yar 18 jir. Waxaa kale oo laga siin karaa Norway degganaansho qaar kale oo ka mid ah xubnaha qooyska.
Marar aad u badan waa inaad haysataa xooga dakhli ah ka hor inta aan loo soo oggolaanin xubnaha qooyskaaga inay yimaadaan Norway.
Waxay kale dadka ku imaanaayo Norway nidaamka isu-keenidda qooyska xaq iyo waajib u lee-yahiin inay dhigtaan luqadda Norwejiyaanka. Kuwa badan oo ka mid ah waxay u qalmaayaan barnaamajka is-barashada. Ka akhriso wax badan ee ku saabsan kor.
Waxaa jiraan nidaamyo badan oo muhiim u ah in la raaco markii aad soo coodsanaysid nidaamka isu-keenidda qooyska. Waxaad wararka aad u baahan tahay ka helaysaa shabakadda internet-ka ee UDI (
www.udi.no). Waxay wararka ku tarjuman yahiin luqado badan ee kala duwan. Waxaad waydiisaa hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta magangalyada haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo wararka saxda ah.
Hoygaaga cusub
Markaad u soo guuraysid guri ama dabaq, waxaa jiraan waxyaabo badan oo ah inaad siidid taxadir. Haddii aadan hubin waxa ku saabsan sida loo xanaaneeyo guriga, waxaa aad u fiican inaad waydiisid intii aad sugi lahayd inay wax qaldamaan. Hawlwadeenada maamulka deegaankaaga ayaa awoodo inay ka jawaabaan su’aalahaada.
Mas’uuliyadda
Haddii aad ku nooshahay guri kiro ah, waxaad mas’uul ka tahay gacan ku hayntiisa gudaha. Waxaa sidaan ka mid ah gacan ku haynta dabaqyada, derbiyada, saqafyada, waxyaabaha ku xir-xiran, iyo dhammaan alaabta guriga. Haddii adan ugu dhoowrin gurigaada dayactir fiican, waxaad bixinaysaa wax kasto oo ka jabo.
Markaad si madaxbanaan u nooshahay, waxaa lagugu soo dirayaa si joogto ah bilaal ee la rabo Inaad bixiso. Waxaa ka mid ah kirada, korontada, shatiga telefishanka iyo telefoonka. Waxaa biilasha laguugu soo dirayaa boostada. Waa inaad bixisid kiradaada bil kasto. Haddii aysan munshiibiyada gelin korontada gurigaaga cusub, waa inaad adiga ka fikirtaa.
Haddii aadan ku bixin lacagta biilashada waqtiga lagaa doonaayo, waxaa laguu soo dirayaa xasuusin- oo laga yaabo inuu la socdo kharashka dheeriga ah ee xasuusinta. Haddii aadan weli bixin waxa lagugu lee-yahay, waxaa arrinta loo gudbinayaa wakaaladda amaahda soo ururiso. Waxay micnaheedu yahay in lagaa xaraashaayo alaab ku qiimo ah inta lagugu yeeshay, ama waxaad bixinaysaa kharash dheeri ah oo ganaax ah. Waxaa kale lagu gelinayaa liiska madoow ee amaahda oo kaa hor istaagaayo in lagu siiyo amaah.
Caysmika
Waa inaad ka caymisa debka, daadka iyo xatooyada hantidada iyo gurigaga, Waxay micnaha gelinta caymiska yahay inaad ka helaysid magdhow waxii maaliyad ahaan qasaartay haddiiba ay sidaasi dhacdo. Waxuu caymiska lagu bixiyaa lacag.
Debka
Waa In guri kasto lee-yahay ugu yaraan hal kiciye deb ah Iyo qalabka debka lagu demiyo. Waxaa deb-demiyaha loo isticmaalayaa in debka looga saaro habka korontada ama qalabka. Debka aan koronto la socon waa in lagu shubaa biyo ama in la daboolo ilaa uu ka demo. Haddii uu deb kaco, waa inaad ka wacdaa adeegga deb-demisaka 110.
Caymiska Qaranka
Nidaamka Caymiska Qaranka ee Norway waxuu siiyaa dadka lambarka caymiska bulshadeed ee kaalmada lacageed. Xasuuso inuu dembi yahay in si been-abuur ah loo sheegto kaalmada badbaada bulshadeed.
Waxuu Nidaamka Caymiska Qaranka ee Norway siiyaa sugidda maaliyadeed kuwa aan shaqayn karin oo aan soo gelin wax ay ku noolaadaan. Si aad u mudatid kaalmada sugidda bulshadeed, waa inaad ka soo baxdaa dhoowr shuruudadood. Ma u haysano buuggaan yar meel aan ku wada sheegno. Waxaa kaa siin karo xafiiskaaga deegaanka ee sugidda bulshadeed wararka aad u baahan tahay. Waxaa halkaan ku xusan liiska kuwa ugu caansan kaalmadas ugidda bulshadeed:
Kaalmada jirrada
Haddii aad jirran tahay oo aadan tegi karin shaqo, waxaad xaq u lee-dahay kaalmada la siiyo dadka jirran si loo kabo mushaharka ka go’ay. Waa inaad ka shaqaynaysay ugu yaraan afar toddobaad goobta shaqada si aad u mudatid kaalmda dadka jirran, waxaana xaq u lee-dahay kaalmada jirrada maalinta ugu horayso oo aad ka fadhiisatay shaqada. Waxaa la bixiyaa kaalmada jirrada dhammaadka bisha.
Kaalmada cunugga jirran
Waxaad xaq u lee-dahay inaad soo codsatid kaalmada lagu bixiyo cunugga jirran haddii aad ka joogsanaysid shaqada si aad u la socotid cunug ka da’ yar 12 jir oo aad mas’uul ka tahay. Kaalmada xanaanaynta cunugga waxay ku xadaysan tahay dhoor maalmood sanadkii iyo cunuggiiba.
Kaalmada dadka tabarta daran
Haddii aadan u shaqayn karin sabab jirro joogto ah ama dhaawac, waxaad xaq u lee-dahay kaalmada dadka tabarta daran oo ku meel gaar ah ama hawlgabka curyaanimada. Waxaad mudan kartaa kaalamada dadka tabarta daran haddii aadan shaqayn karin intii muddo ah. Waxaa la bixiyaa hawlgabka curyaanimada haddii la ogaado inaadan marnaba shaqayn karin mar kale.
Hawlgabka waayeelka
Markii aad gaarto shaqo ka fadhiisad, caadi ahaan 67 jir, waxay dowladda ku siinaysaa hawlgabka waayeelka. Inta uu la eg yahay hawlgabka waxay ku xiran tahay inta aad qaadan jritay markii aad shaqaynaysay naftaada. Waxuu qof kasto oo gaaray 67 jir xaq u lee-yahay hawlgabka dowladda ee ugu yar.
Haddii aad jeceshahay inaad ogaatid sida loo xisaabo hawlgabka waayeelka, ama inta aad rajaynaysid in lagu siiyo markii aad ka fadhiisatid shaqada kala xiriir xafiiska badbaadada bulshada ee deegaankaada
Kaalmooyinka badbaadada bulshada
Waxay adeegyada bulshada kaa caawini karaan xal u helidda ama ka hortegidda dhibaatooyinka bulshada. Waxay kale oo ay adeegyada bulshada ka khasban yahiin inay u helaan meel ay degaan kuwa aan awoodin inay helaan meel ay ku noolaadaan. Waxay dadka aan shaqayn karin ama aan iskood isu-kaalmayn karin laga siinayaa kaalmo maaliyadeed xafiiska badbaadada bulshada ee deegaanka.
Waa inaad waydiisataa adeegyada bulshada caawinaad haddii aad u baahatid. Waxaad xaq u lee-dahay inaad ka qaadatid racfaan haddii coodsigaada gacansiinta la soo diido.