Haddii aad ka yar tahay 18 jir oo aad timid Norway adiga oo la socon waaliddiintaada, waxaad ka mid noqonaysaa kooxda lagu magacaabo caruurta aan lala socon oo ah magangalyo-doonka. Markaad timid Norway, waxaa laguu shegay waxa aad la kulmaysid haatan oo aad noqotay Magangalyo-doon. Caruurta aan qaangaarka ahayn (caruurta iyo dadka dhallinta yar ee ka yar 18 jir) waxay u qabaan baahi gaar ah badbaadin. Waxaan Cutubkaan kuugu micnaynaynaa fursadaha aad qabtid iyo waxa xaqqa u lee-dahay inta lagu jirro waqtigaaga biloowga ah ee Norway.
Xarunta soo-dhowaynta ee caruurta aan lala socon
Waxuu lee-yahay cunugga magangalyo-doonka ah ee lala socon xuquuq gaar ah. Waxay lee-yahiin xarumaha soo-dhowaynta magangalyo-doonka unugyo gooni u ah caruurta magangalyo-doonka aan lala socon iyo tobaneeyo-jirka. Waxaa unugyada joogo hawlwadeeno saacad kasto. Mid ka mid ah dadka ka shaqeeyo xarunta soo-dhowaynta ayaa si gaar ah u noqonaayo xiriiriyahaada. Waxay hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta mas’uul ka yahiin adiga, waxayna kugu caawinayaan baahidaada maalinba-maalinta xigto.
Markii aad timaado Norway, waxaa laguu magacaabayaa ilaaliye. Waxuu ilaaliyahaada hubinayaa in aad qaadatid dhammaan kaalmooyin aad xaqqa u lee-dahay. Waxuu kale asaga ama iyada la soconayaan danahaada sharciyeed iyo maaliyadeed. Waxaad waydiisaa hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta magangalyada waxii ku saabsan caawinaada uu ku siinaayo ilaaliyahaada.
Waxaa kale oo lagu siinayaa qareen ku caawiyo. Waxuu qareenkaaga kaa caawinayaa coodsiga magangalyada ee Norway. Waa inaad caadi ahaan la kulantaa qareenkaaga ka hor waraysigaaga oo aad la yeelanaysid UDI, asaga ama ayada ayaa kugu cawinayaan diyaarinta waraysigaas. Ka dib, adiga iyo qareenkaaga waxaad maraysaan waraysiga waxaana hubinaysaan inay caddaynta sax tahay. Haddii coodsigaaga magangalyada la soo diido, waxuu qareenkaaga kaa cawinayaa ka qaadashada racfaanka.
Cunug walba ee ku nool Norway waa inuu aada dugsi. Haddii da’daada u dhaxeyso 6 Iyo 16 jir, waxaad aadi doonta dugsiga hoose ama kan dhexe. Waxay xarutaada soo-dhowaynta magangalyada kugu qoraysaa dugsi. Haddii aad jirtid 6 ilaa 16 jir, waxaad dhiganaysaa dugsiga hoose ama kan dhexe. Waxay xaruntaada soo-dhowaynta magangalyada ku qoraysaa dugsiga kugu habboon. Haddii ay da’daada u dhexayso 16 ilaa 18 jir, waxaad xaq u lee-dahay inaad dhigatid waxbarashada luqadda norwejiyaanka. Waxaad kale oo xaq u lee-dahay waxbarashada maaddooyinka laga barto heerka dugsiga dhexe. Waxay ujeeddada laga lee-yahay tahay inaad ka qaybqaadato imtixaanka dugsiga dhexe. Waxay hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta magangelyada la xiriiriyaan dugsiga waxayna hubinayaan inaad heshid caawinaadda layligaaga guriga.
Waxaad ka baran doonta dugsiga maaddooyin badan.. Laakin waxaa jiraan waxyaabo loo baahan yahay inaad ogaatid uusan dugsiga daboolayn. Bacdamaa aad tahay magangalyo-doon waxaad u baahan tahay inaad ogaatid wax aad xaq u lee-dahay iyo fursada aad lee-dahay. Waxaad kale oo u baahan tahay inaad ogaatid waxii aad samayn leheed naftaada markii aad ku jirtid xaalado kale duwan. Waxay hawlwadeenada xaruntaada soo-dhowaynta magangalyada kuu sheegayaan waxa ku saabsan kuwaan iyo dhoowr arrimo kale oo qayb ka ah barnaamajka wararka.
Waxay dadka qaangaarka ah qaarkood sheegtaan da’ ka yar 18 jir sababta oo ah waxay u malaynayaan inay siinayso fursad aad u fiican oo ay ku helaan in lagu siiyo magangalyada. Waa sababtaan waxay ay UDI ay u samaynayso baaritaanka caafimaadka si loo ogaado da’da qofka magangalyo-doonka ah. Waxaad oggolaan kartaa baaristaan ama waa diidi kartaa, laakin waxay dhaciifinaysaa codsigaaga haddii aadan marin baaritaankaan.
Raadinta waaliddiinta iyo qaraabada
Markii aad imaanaysid Norway, waxaa lagugu caawinayaa soo helidda waaliddiintaada, haddii ay weli nool yahiin. Waxaa kale oo lagu siin karaa caawinaadda lagu helaayo qaraabadaada kale. Haddii aad bixisid warar ka caawinaayo helitaanka qooyskaaga, aad ayay u sii fududaanaysaa in lala xiriiro. Waxaad kala hadli kartaa hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta magangalyada si looga ogaado wax intaa ka sii badan oo ah sida aad iskugu dayi karto oo aadna u heli kartid qooyskaaga.
Waxuu UDI wax uga qabanayaa coodsiyada caruurta magangalyo-doonka ah si uga degdegsan coodsiyada kale. Waxaa sidaan loogu samaynayaa inaad si gaaban u joogtid xarunta soo-dhowaynta haddii ay suurto gal tahay. Haddii lagu siiyo fasaxa degganaanta ee Norway, waa inaad ka heshaa in lagu siiyo dejin maamulka deegaanka in aan ka dambayn seddax bilood ka dib markii uu UDI ku siiyay fasaxa joogista halkaan. Kala hadal hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta magangalyada waxii warar dheeri ah ee ku saabsan xaaladdaada.
Haddii aad jeceshahay Inaad dib ugu laabatid dalkaaga, waxaad waydiin kartaa hawlawadeenada xarunta soo-dhowaynta magangalyada sida aad u heli kartid caawinaadda lagu qabanqaabinaayo socdaalkaaga.
Waxaad u baahan tahay lacagaad jeebka ku ridatid intii aad joogtid xarunta soo-dhowaynta magangelyada. Waa sii badanaysaa xisaabta aad qaadanaysid haddii aad adiga soo gadanaysid cuntadaada iyo badeecooyin. Waxaa lacagta looga dan lee-yahay Inay daboosho dharka, daawooyinka caafimaadka, Is-daawaynta, Iwm. Waxaa la soconaayo maareeyaha xaruntaada soo-dhowaynta magangalyada lacagtaada haddii aad tahay cunug magangalyo-doon ah oo lala socon. Adiga ayaa la gaaraayo go’aan waxa lacagta lagu bixinaayo. Waxaad waydiisaa hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta inta ay la eg-tahay lacagta aad xaqqa u lee-dahay.