Jump to main content Jump to search

Logo

 
  • Send to a friend tips en venn
  • Print skriv ut denne siden

Hordhac

somali


Magacayga waa Mohamed. Agaasinka Soo-gelootiga ee Norwejiyaanka (UDI) waxuu i waydiistay inaan kuu soo bandhigo buuggaan yar, oo aan rajaynaayo inuu ku noqdo mid waxtar iyo anfacaad leh.

Waxaan ahay takhtar yimid Norway biloowgii 2004 si qaxooti ah. Kuma nooli Norway waqti dheeri, laakin waxaan ogahay sida ay muhiim u tahay aqoonta dalka ay ahaan karto. Adigoo ah qof cusub ee yimid dalka, waxaad ogaan doontaa inay jiraan waxyaabo badan oo aad baran doontid, laakin haddii aad wax badan ka ogaatid Norway noloshada ayaa ku fududaynaysa inta aad halkaan joogto. Waxaad u baahan tahay inaad wax ka ogaato habka waxbarashada ee Norwejiyaanka si ay caruurtaada wax uga baran karaan intii suurto gal ah dugsiga. Waxaad u baahan tahay inaad ogaato shuruucda Norwejiyaanka si aadan u jebin. Waxaa kale muhiim ah inaad ogaato sida dadka Norwejiyaanka ah naf ahaantooda u nool yahiin una shaqeeyaan.

Waxay dumarka u baahan yahiin inaad ogaadaan waxyaabaha sida gaarka ah ugu muhiimsan. Waxay qooysaska caruurta leh u baahan yahiin inay ogaadaan arrimaha khuseeyo xaaladdooda, waxayna caruurta u baahan yahiin wararka  ku habboon baahidooda.

Kuwa coodsiyadooda la soo diiday waxay u baahan yahiin warar ka duwan kuwa loo soo oggolaaday inay joogaan Norway.

Maaddada lagu soo bandhigay buuggaan yar waxaa si aad u badan looga hadli doonaa si faahfaahsan barnaamajka wararka ee xarunta soo-dhowaynta, kaasi oo dabooli doono moowduucyo badan.

Waxaa buuggaan yar looga dan lee-yahay inuu kaa caawiyo inaad barato waxa ku saabsan xuquuqdaada, waajibaadkaaga iyo fursadahaada oo aad ku lee-dahay Norway, iyada oo loo eegin in laguu oggolaan doono inaad joogto halkaan ama in lagu waydiistay inaad ka baxdid.

Markii la joogo xarunta soo-dhowaynta waxaa lagu la socodsiin doonaa waxyaabaha ku saabsan nidaamka guriga, nidaamyada deb-demiska, nidaamyada lacagta, nidaamyada degganaanshaha xarunta soo-dhowaynta iyo nidaamyada lagu maamulo ka maqnaanshaha xarunta soo-dhowaynta. Waxaa kale ay hawlwadeenada xarunta soo-dhowaynta kuu sheegi doonaan waxaad samaynaysid haddii aad u baahato takhtar, iyo waxa ku saabsan gaadiidka, dukaamanka, dugsiyada iyo xanaano-maalimeedka ee dugsiga ka hor.

Waxay xarumaha soo-dhowaynta siyaan degganyaasha tiro waxqabdyo ah. Waxaad waydiin kartaa waxqabadyada aad ka qayb qaadan karto.


Last updated 03.08.2009
Published 03.08.2009

The Norwegian Directorate of Immigration, PB 8108 Dep, 0032 Oslo. Phone: (+ 47) 23 35 15 00. Contact Information Service. Contact web editor. Editor in chief: Ingeborg Grimsmo

asdasdads